Rag hubeysan waxey xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ku weerareen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Sarkaalka la weeraray waxaa lagu magacaabaa Diiriye Xasan Qarshe oo ah taliyaha qeybta hogaanka hubka wazaarada Gaashaandhiga dowlada federaalka.
Rag ku hubeysan biskoolada ayaa la xaqiijinyay in sarkaalka dhowr xabadood ay kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in dhaawac culus uu soo gaara sarkaalka.
Dhaawaca sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saddexdii maalmood ee u dambeysay gudaha magaalada Muqdisho lagu kala dilay saraakiil saddex gaaraya oo ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.