Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • The Guardian: 46 Askari Ayaa Dowladda Uganda Looga Dilay Weerarkii Buula-Mareer.
  • Allposts
  • Warar

The Guardian: 46 Askari Ayaa Dowladda Uganda Looga Dilay Weerarkii Buula-Mareer.

April 3, 2018

Wargeyska the Guardian ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa cadadkii uu shaley soo daabacay ku sheegay in tobanaan ka tirsan ciidamada dowlada Uganda lagu dilay weeraradii abaabulnaa ee Axadii la soo dhaafay ay mujaahidiintu ku qaadeen saldhiyada Kuffaarta Afrikaanta ee wilaayada Sh/hoose

Saraakiil ku sugan degmada Buula-Mareer ayaa wargeyska u sheegay in ugu yaraan 46 ka mid ah askarta dowlada Uganda lagu dilay weerarkii ballaarnaa ee lagu qaaday saldhigga degmada Buula-Mareer.

Dowladda Uganda ayaa dhankeeda xaqiijisay in la weeraray saldhigyada ciidankooda ee Golweyn iyo Buula-Mareer balse waxay sheegtay in afar askari oo kaliya looga dilay weerarka, lagana dhaawacay lix kale laakiin wargeysku wuxuu tibaaxayaa in khasaaraha soo gaaray ciidamada Uganda uu ka badan yahay midka ay qirteen.

Isagoo soo xiganaya goobjoogeyaal iyo saraakiil ku sugan deegaanka ayuu tilmaamay in ciidamada Mujaahidiinta ay Camaliyaad Istish-haadi ah ku daahfureen weerarka, kadibna ciidamo hubeysan ay u daateen xerada. Sidoo kale wuxuu xusay in ciidamada Mujaahidiinta ay Camaliyad Istish-haadi ah oo ka hortag ah la beegsadeen ciidamo ku sugnaa Golweyn oo la filayey in ay u soo gurmadaan saaxiibadooda.

“Waxay ahayd xilli saacadu ku beegneyd 09:00am markii qaraxa ugu horeeyey lala helay saldhigga, wuxuuna ahaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kadibna dagaal xooggan ayaa ka qarxay goobta” ayuu yiri Cali Maxamed oo ah qof Beeraley oo Telephone-ka ugu waramay wargeyska.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ” Waxaan arkay uuro fara badan oo ka soo baxeysa gudaha saldhigga” Wuxuu tilmaamay in daqiiqado ka dib la maqlay jugta qaraxii labaad oo lala eegtay ciidamo ku sugnaa Golweyn kuwaas oo gurmad u soo sameyn lahaa saaxiibadooda weerarku ku qabsaday Buula-Mareer.

Abdi Nuur Xaashi oo ah Korneel ka tirsan maleeshiyaatka Dowladda Federaalka oo farriisin ku leh meel u dhow saldhigga ciidamada Uganda ayaa sidoo kale Wargeyska the Guardian u sheegay in weeraradaas lagu dilay ugu yaraan 46 ka mid ah ciidamada AMISOM ee ka soo jeeda dalka Uganda.

“Inta badan askarta la laayey waxay ahaayeen saaxiibadeena, si wadajir ah ayaan u wada qeybsan jirnay cuntada iyo cabitaanka marka aan joogno xeradooda” sidaas waxaa Guardian u sheegay Abdi Nuur oo ah Korneel ka tirsan maleeshiyaatka Soomaalida ee la howlgala ciidamada Uganda “Waan isku daynay inaan caawino saaxiibadeena Uganda laakiin waxaa sidoo kale jiray weerar lagu soo qaaday saldhigeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada Uganda ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray ka dib markii lagu guuldareystay in durbaba dhaawacyadooda loo daabulo Muqdisho ama uu soo gaaro gargaar caafimaad oo degdeg ah, Wuxuuna arintaas sabab uga dhigay in ciidamada mujaahidiinta ay xireen dhamaan wadooyinkii soo galayey saldhigga.

Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle oo ah gudoomiye ku xigeenka Dowladda Federaalka ugu magacaaban Sh/hoose ayaa isna wargeyska Ingiriiska laga leeyahay ee The Guardian u sheegay in ciidamada mujaahidiinta ay weerareen ugu yaraan afar saldhig oo kale oo ciidamadoodu ay ku leeyihiin hareeraha degmada Buula-Mareer. “Khasaaruhu wuu ka badnaan karaa inta aan anaga ku qiimeynay, kuwani waxay ahaayeen weeraro abaabulan oo isku xiran” ayuu yiri.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku soo gabagabeeyey in weeraradan ay sii kordhinayaan walaaca iyo cabsida waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka qabto aayaha dambe ee DF-ka haddii ciidamada AMISOM oo qudhooda waayadii dambe u nuglaaday weerarada Mujaahidiinta- ay ka baxaan wadanka sida qorshuhu yahay, iyo in bixitaanka ciidamada shisheeye ay soo dadajin doonto burburka maamulada taagta daran ee gaaladu ka dhistay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Warbixinta wargeyskan uu ku xaqiijiyey in 46 askari dowladda Uganda looga dilay weeraradii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Golweyn iyo Buula-mareer ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Uganda ay sheegtay in afar askari oo kaliya looga dilay weeraradaasi, balse taliska Mujaahidiinta ayaa horay u sheegay in weeraradaas lagu dilay ugu yaraan 59 askari oo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Afrikaanta.

Continue Reading

Previous: 5 Diyaaradood Oo Dhaawacyo Iyo Meydad Daabulay Iyo Uganda Oo Ka Hadashay Weerarradii Sh/Hoose.
Next: Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Gobalka Gedo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -01-05-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -01-05-1444-Hijri

November 24, 2022
30 Kun Oo Kiisaska Covid-19 Ah Oo Laga Helay Shiinaha.
  • Allposts
  • Warar

30 Kun Oo Kiisaska Covid-19 Ah Oo Laga Helay Shiinaha.

November 24, 2022
Dagaallo Askar Badan Looga Dilay DF Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Askar Badan Looga Dilay DF Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

November 24, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.