Tirada Askarta Kenya Looga Dilay Weerarka Gaarisa Oo Sii Korortay.

kenya-saldhig-ciidan-gaaloWaxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Nasaarada Kenya looga dilay weerar dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabbo galka ah lagu dilay 5 askari oo Kenyaati ah’iyadoona sidoo kale kamiinkaasi lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Nasaarada Kenya.

Wararkale ayaa sheegaya in sidoo kale tiro askar Kenyaati ah ku dhaawacmeen weerarkaasi dhabba galka ah kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro kala duwan ka fuliyaan gudaha dalka Kenya kuwaasi oo isugu jira Kamiino’qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Calamada.com

Comments are closed.