Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee Wilaayada Shabeelada Hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay qarax culus kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qarax culus ka fuliyay gudaha Xero Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka ay ka sameysteen Degmada Qoryooley, Xilliga qaraxa waxaa gudaha Xerada ku sugnaay askar fara badan.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay Lix askari oo ah maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa ku dhaawacmay Qaraxa Afar askari kuwaasi oo laga dayrinayo Xaaladooda Caafimaad.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya Xilli Sidoo kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal toos ah ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanka Mashalaay ee Duleedka Degmada Qoryooley.
Dagaalkan ayaa sababay khasaara naf iyo maal ah oo soo gaartay Shisheeyaha weerarka culus lala beegsaday.
Sidoo kale Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey Weeraro Saf ballaaran ah ku qaadeen Saldhigyada iyo fariisimaha Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka kala sameysteen Garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe iyo Deegaanka Golweyn ee Duleedka Degmada Buulo Mareer.
Labadan Weerar ayaa sidoo kale khasaara culus lagu gaarsiiyay Askarta Kufaarta Afrikaanta ee duulaanka ku joogta deegaanadaasi.
Calamada.com