Dhageyso Ugaaska Beesha Mursade Oo Ka Hadlay La Wareegidda Mujaahidiinta Ee Magaalada Ceelbuur.

Ugaaska guud ee Beesha Mursade Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa si aaad ah u bogaadiyay la wareegidda Mujaahidiinta ay la wareegeen magaalada Ceelbuur oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Ugaaska waxa uu sidoo kale amaan ballaaran u jeediyay beelaha iyo bulshada reer Ceelbuur kuwaasi oo markii Saddex sano ka hor Xabshida Itoobiya duulaanka kusoo qaaday degmada gabi ahaan isaga haajiray islamarkaana muddo saddex sano ku sabray kuna noolaay deegaano hoostaga magaaladaasi.

Sidoo kale Ugaaska Beesha Mursade ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalooyinka’degmooyinka iyo deegaanada dalka qeybta ay duulaanka ku joogaan Kufaarta iyo Murtadiinta iney ku day’daan shacabka reer Ceelbuur oo cadowga ay ka hijroodaan.

Halkan Ka Dhageyso Ugaaska Guud Ee Beesha Mursade.

Calamada.com

Comments are closed.