Video: Madaxweynaha Zimbabwe Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Wararka ka imaanaya wadanka Zimbabwe ee dhaca Koonfurta qaaradda Afrika ayaa sheegaya in uu isku day dil ka badbaaday madaxweynaha cusub ee wadankaasi.

Warbaahinta Afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in Emmerson Mnangagwa madaxweynaha Zimbabwe uu lakulmay weerar qarax xilli uu khudbad ka jeedinayay garoonka kubadda Cagta Bulawayo.

Video kooban oo lagasii daayay Telefeshinka qaranka ayaa muujinayay qarax haleelayay madaxweynaha xilli uu ku dhax socday gudaha garoon kubadda cagta lagu ciyaaro.

Hoos Ka Daawo ilbiqiriqsii qaraxa lala eeganayay Madaxweynaha Zimbabwe

Comments are closed.