Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guwantanabo lagasii daayay mid kamida maxaabiistii ugu waqtiga dheeraa ee xabsigaasi ku xirnaa.
Mareykanka ayaa sheegay in xabsiga lagasii daayay Cabdi Maalik Axmed Cabdi Wahaab oo ahaa waardiyihii gaarka ahaa ee Sheekh Osama Bin Laden hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda.
Cabdi Wahaab Al-Raxbi oo kasoo Jeeda wadanka Yemen ayaa lagusoo qabtay Howlgal ay ciidanka Mareykanka ka fuliyeen wadanka Afghanistan daba yaqaadii sanadii 2001.
Qareenada udooda maxaabiista ku xiran Guwantanama ayaa sheegay in Waardiyihii hore ee Sheekh Osama Bin Laden uu tacdiibin iyo gabood fallo daran kala kulmay saraakiisha xabsiga.
Maamulayaasha Mareykanka waxay diideen in Maxbuuskan muslimka ah dib loogu celiyo Yemen ama Sacuudiga iyagoo diidmadooda u sababeeyay in uu ku biiri karo Mujaahidiinta Al Qaacidda ee Jaziiradda Carabta.
Sanaddii 2014-ka war kasoo baxay xukuumadda Washington ayay ku sheegtay in Cabdi Maalik Axmed Cabdi Wahaab oo Al-raxbi ku magac dheer uusan wax khatar ah oo sidaasi u weyn ku heyn mareykanka balse waxaa muuqata in xukuumdda Obama ay ku adkeysatay in maxaabiista ku xiran Guwantanamo aan dib loogu celin wadamadii ay kasoo jeedeen taasi oo ah cadaawad gaamurtay oo Mareykanku uqabaan muslimiinta.
Brack Obama ayaa isku dayaya inta waqtiga uga harsan in uu Xabsiga Guwantanamo albaabada ulaabo si uu ufuliyo ballantiisi aheyd xiridda xabsigan sumcad xumada ku caan baxay.
Tirada maxaabiista ee hadda ku xiran Guwantanamo ayaa gaaraysay 79 maxabuus halka ay horay u aheyd 780 Maxbuus kuwaasi oo badankood lagasoo qabtay wadamada Afghanistan iyo Pakistan.
Hay’adaha udooda xuquuqul insaanka waxay sheegaan in kumanaan muslimiin ah ay ku xiranyihiin xabsiya qarsoodi ah oo dowladda Mareykanka ku leedahay daafaha caalamka.