War Gelen Ku Aadan Baadi Goobka Bilashada Bisha.

Iyadoo maanta ay aheed Sagaal iyo Labaatanka Bisha barakeysan ee Ramadaan dalka Soomaliya iyo guud ahaan Caalamka waxaa caawa si wadajir ah looga baadi goobayaa in maalinta Bari ay tahay Soddonka Bisha Ramadaan ama Kowda Bisha Shawaal.

Dhageystayaasha iyo Akhristayaasha Webseydka Calamada ee ku kala sugan gudaha dalka Somalia iyo Caalamka intiisa kale waxaan ka codsaneynaa hadii ay jirto cid aragtay bisha ama taqaana qof wanaagsan oo arkay bisha iney nala soo xiriiraan si aan bulshada ugu sheegno in maalinta Bari ay tahay maalinta Kowaad ee Ciidul Fidri oo ka mid ah Ciidaha Allaah SW ku maneystay adoomadiisa Muslimiinta ah.

Bulshada Muslimka ah waxaan u ballan qaadeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbindoono haddii bisha la arkay ama la dhameystirayo Soddonka Ramadaan Inshaa Allaah.

Calamada.com

Comments are closed.