Dagaalkan oo ah mid xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta waxa uu ka qarxay duleedka degamda Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta AMISOM oo ku sii jeeday dhanka degmada Baraawe.
Kamiinka ayaa isku badalay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dagaalkan khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Kufaarta laga gubay saddex gaari oo noocyada dagaalka ah’iyadoona tiro askar ah shisheeyaha halkaasi dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqdeen.
Diyaarada Elecobtar ah oo gaaraya ilaa iyo labo diyaaradood ayaa goobta soo caga dhigtay kuwaasi oo doonayay iney qaadaan baqtiga iyo dhaawacyada askarta AMISOM balse ciidamada Mujaahidiinta ayaa madaafiic ku garaacay taasi oo sababtay in diyaaradahaasi si degdeg ah uga duulaan deegaankaasi.
Calamada.com