Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Warbaahinta Ugu Afka Dheer Kenya Oo Ka Hadlay Weerar Ka Dhacay Wajeer.
  • Allposts
  • Warar

Warbaahinta Ugu Afka Dheer Kenya Oo Ka Hadlay Weerar Ka Dhacay Wajeer.

June 22, 2018

Wargeyska Daily Nation ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka N.F.D ay ganiimeysteen dhamaan hubkii iyo rasaastii ay wateen ciidamadii lagu laayey weerarkii Axadii la soo dhaafay lagu qaaday ciidamada Kuffaarta Kenya xilli ay ku socdaalayeen deegaano ka tirsan gobolka Wajeer.

Wargeyska ayaa sheegay inuu helay warbixin loo soo gudbiyey taliska Police-ka dalka oo tibaaxeysa in Mujaahidiintu ay weerarka qorsheysan ku dileen ugu yaraan sideed askari, islamarkaana ay qaateen dhamaan hubkii iyo rasaastii ay wateen ciidanka.

Ciidamada la beegsaday ayaa isugu jiray shan askari oo ka tirsan Police-ka maamulka iyo saddex askari oo ka tirsan waxa loogu yeero Police-ka qaranka sida ay warbixintu sheegtay waxayna ku hubeysnaayeen 6 qori oo AK47 ah iyo laba qori oo lagu sheegay nooca loo yaqaano G3.

Warbixinta loo soo gudbiyey talisyada Police-ka ee Nairobi ayaa sidoo kale tilmaamaya in rasaasta ku jirtay qoryaha la qaatay ay gaareyso ilaa 540 baalooto oo ah dhamaan rasaastii ay askarta la dilay wateen.

Sarkaal ka tirsan maamulka Wajeer oo isagoo magaciisa qarinaya wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in markii ay gurmad ahaan ku tageen halka uu weerarku ka dhacay aysan arkin wax hub ah oo yaalay goobta, uuna aaminsan yahay hubkaas uu ku maqan yahay gacanta Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale tibaaxay in haddii hubkaas aysan qaadan dagaalyanada Al-Shabaab ee weerarka fuliyay ay suuragal tahay inuu ku maqan yahay dadka deegaanka kuwaas oo uu sheegay in mararka qaar qaateen hubka ciidamada Kenyaatiga haddii ay arkaan iyagoo meydad ah oo yaalla goobihii lagu beegsaday.

Weerarkan barakeysan ayaa Axadii la soo dhaafay ka dhacay wadada dheer ee isku xirta deegaanada Katulow iyo Bojigaras ee gobolka Wajeer halkaas oo Mujaahidiintu ay qarax xoogan kula beegsadeen gaari ciidan, ka dibna uu xigay weerar dhabagal ah oo Mujaahidiintu ay ku dhameystireen dhaawacyada cadowga, kuna ganiimeysteen agabkoodii dagaal.

Afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta Sheykh Cabdil Casiis Abuu Muscab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in khasaaruhu uu ka badan yahay inta ay qirteen ciidamada Kuffaarta Kenya.

 

Wargeyska dilay Nation wuxuu sheegay in weerarka uu dhacay saacado un ka dib markii Mu’asasada Al-kataa’ib ay baahisay muuqaal la daawan karo muddo ku dhow hal saac ah oo lagu soo bandhigayo weeraro kala duwan oo ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya.

Wargeyska Star oo isna kasoo baxa wadanka Kenya ayaa maanta soo daabacay warbixin uu cinwaan uga dhigay “Baaqyo ku saabsan amniga oo la jeediyey xilli Al-Shabaab ay soo saartay video” ayaa sheegay in weerarada lagu soo bandhigay filimka ay intooda badan dhaceen lixdii bilood ee ugu dambeysay, halka filimka cusub ee Alkataa’ib lagu soo gudiyey howlgalada lixdii bilood ee ugu dambeysay ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha Kenya.

Star waxuu sidoo kale sheegtay in filimka uu soo bandhigayo nolosha iyo xuriyada ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku heystaan Keyta Boni halkaas oo dowlada Kenya ay sanadkii la soo dhaafay sheegtay in ay ka sifeysay awoodda Mujaahidiinta.

Filimka Mu’asasada Al-Kataa’ib ayaa soo bandhigay silsilado weeraro ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen gobolada Lamu iyo N.F.D ee gudaha Kenya kuwaas oo cagta lagu mariyey saldhigyo ciidanka, lagu dilay tobanaan Askari.

Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa saacado ka dib markii la baahiyey muuqaalkas bogaadiyey howlgalada halyeeynimo ee ay Mujaahidiintu ka wadaan gobolada Muslimiintu leeyihiin ee ay Kenya xoogga ku haysato, islamarkaana soo dhaweeyey dadaalada ay mu’asasada Al-kataa’ib ku bixineyso soo bandhigidda nafhurka ay sameynayaan Mujaahidiinta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Jabahaat dagaal oo kala duwan ku furtay dowladda Kenya wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii xilligaas oo dowladda Kenya ay si bareer ah ugu soo duushay dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya, Waxayna Mujaahidiintu qaadeen duullaano iyo weeraro ballaaran oo jabiyey qabkii iyo car-carta Kuffaarta Kenya.

Continue Reading

Previous: Maleeshiyaatka Khaliif Xiftar Oo Markale Khasaara Culus Lagu Gaarsiiyay Dagaalka Darnah.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Shil Gaari Oo Askar Ay Ku Dhinteen.

Related Stories

Akhriso Xogta Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Iyo Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Iyo Sh/dhexe.

November 29, 2022
Dhagayso Waziir Ka Badbaaday Howlgalkii Villa Rose Oo Hadlay.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Waziir Ka Badbaaday Howlgalkii Villa Rose Oo Hadlay.

November 29, 2022
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-05-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-05-1444 Hijri

November 29, 2022

Sawirro

Sawirro+Codad: Maxaad Ka Taqaanaa Kaalinta Haweenka Ee Jihaadka Socda?
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Codad: Maxaad Ka Taqaanaa Kaalinta Haweenka Ee Jihaadka Socda?

November 28, 2022
Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.

November 26, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.