Marka uu qofku beer abuurto waxay u badan tahay in ay ka soo baxaan miro uu dib ugu intifaaco kamana shalaayo juhdigii uu geliyay sababtoo ah faa’iidada uu helayo ayaa ka badan dhaqaalihii uu geliyay iyo waqtigii uu u huray.
Qolyaha wax gumeysta inta anay ficil ku dhaqaaqin waxay sidii beeralay dhulka u tacbato u abuurtaan maskaxda qaar ka mid ah kuwa xaquuqdooda la duudsiin rabo.
Kuwaas la abuurtay waxay fuliyaan danaha gumeystaha gurracan iyagoo adeegsanaya qowl iyo ficil waxayna bixinayaan naf iyo maal.
Hadda dalka soomaliya wuxuu ku jiraa gacan gumeysi cadawtooyadiisu qotta dheer tahay waxaana daabad u ah qaar nala dhashay.
Halkan ka akhri Maqaalka oo dhamaystiran DOC
WD; Wariye Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)