Wasiir Fiqi: Inka Badan 17 Gaari Ayay Al-shabaab Kula wareegeen Weerarkii Cammaara.

Axmed Macallin fiqi oo ahaa wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka ashahaada la dirirka Galmudug ayaa markii ugu horraysay qirtay gaadiidkii iyo magaalooyinkii ay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ka fara maroojiyeen maamul goboleedka Qoor qoor. ka dib dagaallo qaraar oo ku qabsaday koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiirkan oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay in maamulka taagta daran ee la magaca baxay Galmudug uu guuldarooyin isdaba joog ah ka dhaxlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay kusoo qaadeen deegaamada nabdoon ee dhaca koonfurta wilaayada Mudug.

Fiqi waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Camaara uu ahaa midkii ugu khasaaaha badnaa ee ay kala kulmeen ciidamada shabaabul Mujaahidiin wuxuuna xusay in halkaas looga soo furtay gaadiid fara badan oo kor u dhaafaya 17 ayna ku jiraan kuwa madaxtooyada Galmudug iyo magaalooyin dhowr ah.

Fiqi waxa uu xusay in isla dagaalladaas looga fara maroojiyay 2 magaalo sida Cammaara iyo Bacaadweyne kuwaas oo astaan u noqday jabkii isdaba jooga ahaa iyo baqa cararka ciidanka maamulka Galmudug oo dhanka hawada sare ay ka dacminayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Ciidamada wilaayada islaamiga Mudug waxay bilooyinkii lasoo dhaafay guuldarooyin is xig-xiga dhabarka u saareen ciidamada maamulka Qoorqoor iyo kuwa dowladda federaalka ah oo taageero millatari oo dhanka hawada ah ka helayay ciidamada Maraykanka waxayna ciidamada shabaabul Mujaahidiin weeraradaas ku dileen askar fara badan oo Galmudug iyo kuwa federaalka ah halka gawaari fara badanna ay kusoo furteen.

Dagaalladii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug oo uu cagihiisa kala soo cararay wasiirkan is casilay waxay bulshada deegaamada koonfurta wilaayada Mudug u horseeday inay helaan nidaam islaami ah oo caadil ah dadka deegaannadaas na ku haga ku dhaqanka shareecada islaamka waxaana xusid mudan in dadkaas ay gurmadyo samafal ah ka heleen maamulka wilaayada islaamiga ah ee Mudug xilli uu halkaas ka jiro kulayl iyo jiilaal aad u xooggan.

Halkan Ka Dhagayso Qiraalka Axmed Macallin Fiqi.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.