Waziir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Muqdisho Ku Qurbaxay.

Isbitaal ku yaala magaaladan Muqdisho waxaa ku dhintay mid ka mid ah Waziirada maamul gaaleedka Puntland kaasi oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay gudaha magaalada Muqdisho.

Waziirka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Murtad Cabdi Nuur Cilmi Qaaje oo ku magacdheeraa Biindhe waxa uu ninkan mudooyinkii dambe la xanuunsanayay cudurka Sokorta oo ugu dambeyntii u dhintay.

Biindhe ayaa sidoo kale ahaa madaxweynihii ugu horeeyay maamul gaaleedkii Burburay ee Khaatumo,sidoo kale waxa mar soo noqday waziirkii Kaluumeysiga maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Maamulka uu waziirkan dhintay ka tirsanaay ayaa ah maamul ay dhisatay dowlada Xabashida Itoobiya una dhisatay iney ku qabsato dalka Somalia si ay u gumeysato shacabka Soomaaliyeed.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.