Waziirka Howlaha Guud Oo Albaabka Madaxtooyada Lagu Dilay.

Askar hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Federaalka waxey albaabka hore ee xarunta madaxtooyada dowlada Ridada ku toogteen waziir ka tirsan xukuumadda Murtad Xasan Cali Kheyre.

Waziirka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji kaasi oo ahaa waziirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska dowlada Farmaajo.

Wararka laga helayo dilka waziirka ayaa xaqiijinaya in wasiirka ay toogteen ciidamo ilaalo u ah Hanti-dhowraha dowlada Ridada’iyadoona ninkan la dilay sidoo kale uu ahaa xildhibaan ka tirsan golaha dhawaaqiida dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

 

Comments are closed.