Weerar Askar AMISOM Ah Lagu Xasuuqay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta weerar ballaaran oo dhabagal ah ku qaaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Afrikaanta oo ku socdaalayey wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar, Iyadoona weerarkaas lagu xasuuqay tobanaan ka mid ah askarta shisheeyaha.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in weerarka cagta lagu mariyey kolonyada cadowga, Islamarakaan ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen gaadiid gaashaaman oo ganiimo ah.
Wararku waxay sheegayaan in kolonyada la weeraray ay ka koobneed ilaa (16) Lix iyo Toban gaari oo isugu jira gaadiid gaashaaman iyo kuwa xamuul ah, Waxaana inta badan gaadiidkaas gacanta ku dhigay ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa tilmaantay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, ayna dib ka faafaahin doonaan qasaaraha la gaarsiiyey cadowga.

Dhanka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Balcad oo ah degmada uu duleedkeeda ka dhacay weerarka sida ba’an loogu xasuuqay askarta Kufaarta Afrikaanta.
La Soco Wixii Soo Kordha.

Calamada.com

4 Comments
  1. Abufatima says

    Waa maalin barakay sanoo gaalku baana,aye
    Waa maalin bulshadaydu farax ay bogaad sheene
    Waa maalin biiri qaatihiyo cadaw bas beeleene
    Waa maalin bilad sharaf lasiin geesiyaal birahe
    Boostada ayaan dhigahayaa baaq yaday diiye
    Hambalyiyo bishaaraan wad naa buuxshay laab teene
    Barbaartii kufriga baac sadiyo beesha mudulooda
    Labadaba bogaadshoo ducada waan u wada beegi
    Barwaaqada aduun iyo janada baaqi noqonaysa
    Rabigay bad baafiyo samaan haydin wada beego

  2. سيف الله says

    Allaahu Akbar Allaahu Akbar

  3. Anonymous says

    الله اكبر الله اكبر

  4. عبد الحميد says

    Waa maalin ilaah barakeeyay gaalna Ku naafoobay الحمد لله الحمد

Comments are closed.