Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Dhoobley.

Duleedka degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay weerar khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe,iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Weerarkan oo loo adeegsaday qarax ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka Murtadiinta ah,dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay degmada Dhoobley iyo deegaanada hoostaga.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu gubay Gaari dagaal waxaana lagu dilay Sideed askari oo ah maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe.

Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli kolanyadii ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka,Kenya iyo kuwa Murtadiinta ee kasoo baxay magaalada Kismaayo lagu jabiyay dagaallo ka dhacay duleedka magaalada,waxeyna ugu dambeyntii iyagoo wata askar dhimasho iyo dhaawac ka noqotay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo oo markii hore ay kasoo baxeen.

Calamada.com

Comments are closed.