Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalka Qandahaar.

afghanistan-khariidad5743663Wararka laga helayo dalka Afghanistan ayaa sheegaya iney sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobalka Qandahaar ee dalka Afghanistan.

Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay degmada Nish ee gobalka Qandahaar’iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay inka badan 60 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan.

Sidoo kale dagaalkaasi waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul kaasi oo ahaa madixii Amniga degmada Nish ee gobalka Qandahaar.

Sarkaalka lagu dilay dagaalkaasi waxaa lagu magacaabi jiray Gulaam Gowth’waxaa uu ahaa sarkaal muhiim u ahaa maamulka dowlada Nasaarada Mareykanka ka dhisatay dalka Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.