Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalka Ghazni Ee Afghanistan.

imaarada-islamiga-afghanistan21564Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo Meliteri ku qaaday qaar ka tirsan Xarumaha Maleeshiyaadka Murtaddiintu ay ku leeyihiin Gobolka Ghazni ee bariga Wadankaasi.

Weerarkii ugu cuslaa ayaa Mujaahidiintu waxay ku qaadeen degmada lagu magacaabo Waaghiz ee gobolka Ghazni, iyagoo beegsaday Xarunta Maamulka, dhismaha Hoggaanka Ciidamada Ammaanka, iyo Saldhigga Booliiska, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaadyo culus oo saacado xiriir ah socday.

Qoraal ay barta Internetka ku faafisay Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa waxay ku sheegtay in Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen dhammaan xarumihii ay weerareen ee magaalada Waaghiz ee gobolka Ghazni, waxaa sidoo kale qoraalkaas lagu sheegay in khasaare culus ay la kulmeen Maleeshiyaadka daba dhilifyada ah.

Mujaahidiinta Daalibaan waxay sheegeen in howl-galkaas ay ku dileen 11 ka tirsan Ciidamada Xukuumadda daba dhilifka ee Kaabuul, iyadoona Saraakiil iyo Ciidamo ka firxday xarumahooda ay ku go’doonsan yihiin mid ka mid ah saldhigyada ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin Mujaahidiinta.

intii dagaalka uu socday, waxay Mujaahidiintu bur buriyeen Seddax gaari oo gaashaaman, iyo Afar baabuur oo nooceedu yahay Riingar, waxay sidoo kale Mujaahidiinta imaarada islaamiga ah ee Afghanistan gacanta ku dhigeen hub isugu jira noocyada fudud iyo kuwa culus, agabyo Meliteri iyo Saanad rasaas ah.

Dhinaca kalena laba ruux oo rayid ah ayaa dhintay, tobonaan kalena way dhaawacmeen kadib markii Ciidamo isugu jira Mareykan ah iyo kuwa Afghaniyiin ah ay weerar habeenimo ah ku qaadeen tuulada lagu magacaabo Nakar Kheyl ee gobolka Nangahaar ee bariga dalka Afghanistan.

Weerarkan wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor ay Ciidamo Mareykan ah ay sidan oo kale gumaad wuxuushnimo ah ka geysteen deegaanno hoosta Gobolka Qandahaar ee Koonfurta dalkaasi, waxaana duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ku dhintay inkabadan Soddon ruux oo Muslimiin ah.

Comments are closed.