Weerar Askar Looga Dilay Dowlada Federaalka Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay.

dagaalka culus habeenDagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocydiisa kala duwan waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar culus ku qaaday isbaara maleeshiyaatka dowlada federaalka dhigteen inta u dhaxeysa deegaanka Calamada iyo deegaan weynaha Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu dilay Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex askari oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.

Idaacada Andalus ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaalkaasi ku gubeen gaari Saaruf ah’sidoo kale ay burburiyeen isbaaradii maleeshiyaatka dowlada halkaasi dhigteen.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed kala kulmay weerarada culus ee kaga yimaada dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Calamada.com

Comments are closed.