Weerar Askar Yahuud Ah Lagu Dilay Oo Qudus Ka Dhacay.

misbaax-alqudusWararka ka imaanaya magaalada Qudus ee dhulka Muslimiinta Reer Falistiin ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Al-sheekh Jarraax oo ka tirsan magaalada Qudus’iyadoona weerarka baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro dad Yahuud ah.

Weerarka ayaa yimid kadib markii Ruux Falistiini Istish-haadi ah uu rasaas hubiyay Askar iyo dad kale oo Yahuud ah oo hal goob ku wada sugnaay.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in weerarka ay ku baqtiyeen 2 askari oo Yahuud ah Lix Kale oo Yahuud ahna weey ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Halyeyga Falistiiniga ah ee weerarka fuliyay ayaa lagu magacaabaa Misbaax Abuu Sabiix oo 39 jir ah kaasi oo kasoo jeeda xaafada Salwaan ee magaalada Qudus.

Halyeeyga fuliyay ayaa isagana goobta ku Shihiiday kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada Sahyuuniyadda Yahuuda’iyadoona walaalkan camaliyadda fuliyay maalmo ka hor ciidamada Yahuuda xabsiga ay kasii daayeen.

Misbaax Abuu Sabiix oo ah Halyeyga Falistiiniga ah ee Sawirkiisa kor ka muuqanayo ayaa inta uusan Camaliyadda ku dhaqaaqin daqiiqado ka hor waxa uu baraha bulshada uu soo dhigay qoraal kooban oo uu kula dardaarmay dadka Muslimiinta uguna baaqay iney ogaadaan in Masjidul Aqsaa uu yahay amaano Luqunta ugu jirta dadka Muslimiinta.

Hoos Ka Aqriso Qoraalka Shahiidka.

qoraal-koobanCalamada.com

Comments are closed.