Weerar Culus Oo Lagu Miray Saldhig Ciidan Oo Kuyaal Jubbooyinka.

Ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar aad u xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda Kenya ay ka samaysteen deegaanka Hoosingow oo ka mid ah deegaannada gobolka jubbada hoose ee ku hoos jira gacanta ciidamada shisheeyaha Kenya.

Dagaalyahannada shabaabul Mujaahidiin waxay dhowr jiha ka weerareen saldhigga Kenya ee deegaanka Hoonsingow oo hoos taga degmada Badhaadhe ee deegaan waynaha Joore ee wilaayada Jubbooyinka waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in weerarka lagu jabiyay ciidamada Kenya ee fadhiidka ku ah deegaanka Hoosingow ee duleedka Badhaadhe waxaana la maqlayay baroorta ciidamada Kenya taas oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay xaddiga khasaare ee ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay dagaalka.

Ciidamada shisheeyaha Kenya ee duullaanka ku jooga qaybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose waxay si joogta ah ula kulmaan weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah oo kaga imaanaya dhanka ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxayna ciidamada Mujaahidiintu sii laba jibaareen howlgalladooda ka dhanka ah ciidamada millatariga Kenya.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.