Weerar Dhabba Gal Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Buurhakabo.

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakabo ee gobalka Baay waxey sheegayaan in weerar dhabba gal ah uu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo ee gobalkaasi.

Kamiinkan waxaa loo dhigay maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah wadadaasi,iyadoona weerarkaasi dhabba galka ah khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaata Shariif Sakiin.

Inta la xaqiijiyay Kamiinkaasi waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Shariif Sakiin kuwaasi oo kolanyadii ay la socdeen ee Kamiinka loo dhigay ay uga carareen goobta weerarka dhabba galka ah uu ka dhacay.

Kamiinkan ayaan kusoo aadaya xilli saaka aroortii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dagaallo xoogan kula wareegeen deegaanada Daynunaay iyo Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhabo.

Calamada.com

Comments are closed.