Weerar Gaadiid Badan Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Afgooye.

Weerar isugu jira qaraxyo  iyo Kamiin oo khasaara culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Wararka la helayo waxey xaqiijinayaan in Weeraradaasi  lagu gubay Saddex Gaari oo midka mid ah uu yahay Cabdi Bile,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Ganiimeysteen Hal gaari.

Gaadiidka La gubay waxaa Labo ka mid ah lahaa ciidamada Shisheeyaha Kufaarta ah kuwaasi oo sidoo kale leh gaariga ay qaniimeysteen ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab.

Gaariga Cabdi Bilaha ee qeybta ka ah gaadiidka la gubay ayaa waxaa la socday maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo doonayay iney u gurmadaan ciidamada Kufaarta ee weerarada culus lala beegsaday,waxaa qaraxa Cabdi Bilaha lagu burburiyay lagu dilay Saddex askari oo Murtadiin ah hal askarina waa lagu dhaawacay.

Gobalka Shabeelada hoose ayaa ka mid ah goobaha sida aaadka ah loogu dhiigbixiyo maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.

Calamada.com

Comments are closed.