Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Gedo lagu dilay tiros askar ah oo ka tirsan Nasaarada Kenya.
Howlgalka ayaa ah weerar dhabba gal ah oo loo dhigay kolanyo ka tirsan Nasaarada Kenya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah lagu gubay labo gaari oo nooca gaashaaman ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa gaadiidka ay wateen kolanyada Nasaarada Kenya ee kamiinka loogu dhigay wadadaasi.
Sidoo kale Andalus ayaa intaasi raacisay in kamiinkaasi baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen tobaneeya ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya.
Maalintii shalay ayeey aheed markii tiro ka tirsan askarta Kufaarta Xabashida Itoobiya baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen kamiin loogu dhigay wadada xiriirisa degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq oo ka wada tirsan gobalka Gedo.
Calamada.com