Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta AMISOM oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobalka Shabeelada hoose.
Kamiinka ayaa si gaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Numbar60’waxaana kamiinka uu ku bilowday qarax miino oo si aad ah looga maqlay deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in miinada ay haleyshay islamarkaana ay burburisay gaari nooca booyada ah’waxaana sidoo kale baqti iyo dhaawac ku noqday kamiinka iyo qaraxa ka dhacay wadada Tiro ka tirsan askarta Afrikaanta AMISOM.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday difaacyada Shisheeyaha ee deegaanka Danow ay ka dhasheen khasaara isugu jira dhimashada 6 askari oo ka tirsan Kufaarta AMISOM iyo dhaawaca 8 kale oo shisheeyaha soo duulay ah.
Calamada.com