Weerar Ka Dhacay Magaalada Beledweyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay weerar lala beegsaday maleeshiyaatka Murtadiinta.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bamka noocyada gacanta laga tuura waxaa lala beegsaday goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada,iyadoona dhawaaqa qaraxa Bam si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne.

Goobta Isbaarada ee la wareeray waxey ku taalaa dhanka Bari ee Beledweyne,waxeyna warar hoose sheegayaan in maleeshiyaatka dowlada khasaara nafeet lagu gaarsiiyay qaraxaasi.

Weerarkan Bamka ah ee ka dhacay magaalada Beledweyne waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay Labo askari oo ka tirsan amleeshiyaatka Kooxda Ridada si xun ugu dhaawacmeen weerar Bam gacmeed loo adeegsaday oo lagu qaaday isbaaro maleeshiyaatka dowlada ay dhigteen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Calamada.com

Comments are closed.