Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in weerar culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi’iyadoona ay isasoo tarayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Weerarka oo isugu jira qarax iyo kamiin waxaa lala beegsaday kolanyo isugu jirta American Kenyaati iyo kuwa maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Axmed Madoobe.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in gaari Beebo ah oo ay la socdeen saraakiil isugu jirtay Caddaan iyo Madow ay la kacday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago’iyadoona la xaqiijiyay in gabi ahaan ay burbureen gaariga Beebaha iyo xubnihii lasocday.
Qaraxa kadib waxaa goobta ka dhacay kamiin isku badalay dagaal culus kaasi oo dhexmaray ciidamada Gaalada iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona ugu dambeyntii kolanyada Americanka kuwa Kenyaatiga iyo maleeshiyaatka Axmed Madoobe dib ugu laabteen magaalada Kismaayo oo markii hore ay kasoo baxeen.
Khasaaraha kolanyadan isugu jirta gaalada Caddaanka iyo kuwa Madowga lagu gaarsiiyay qaraxa iyo dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo waa kuwoo isasoo taraya’waxaa akhristayaasheena u ballan qaadeynaa inaan usoo gudbindoona hadba waxii faahfaahin ah oo kusoo kordha weerarkaasi.
Calamada.com