Weerar Xoog Ku Gal Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Qandahaar.

Wararka ka imaanaya magaalada Qandahaar ee xarunta gobalka Qandahaar ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar xoog ku gal ah uu ka dhacay xarun ciidan oo ku taala magaaladaasi.

Weerarkan xoog ku galka ah waxaa fuliyay Kaligii duul ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarkaasi xoog ku galka ah.

Webseydka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in weerarkan xoog ku galka ah uu fuliyay Mujaahidiin lagu magacaabo Caziizullaahi Agaa kaasi oo ku hubeysnaay qori AK47 ah.

Warbaahinta Afghanistan ayaa baahiyay weerarkaasi xoog ku galka ah lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka daba dhilifka Kaabul kaasi oo lagu magacaabi jiray Mangani kana mid ahaa saraakiisha ugu sareysa dhanka amaanka ee gobalka Qandahaar.

Sidoo kale sarkaalkaasi waxaa lala dilay Siddeed askari oo ka tirsanaay maleeshiyaatka daba dhilifka tiro intaasi ka badane weey ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Howlgalkan uu fuliyay Mujaahidka kaligii duulka ah ayaa qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka Al-mansuuriyah oo ah xamlo dagaaleed todobaad ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Halkan Ka Akhriso Warbixinta Webseydka Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.