Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaala culus ku qaadeen fariisimo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen goobaha shisheeyaha iyo maleeshiayatka la socda ay kaga suganyihiin gobalkaasi.
Dagaalka kowaad waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-sheekh oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Qoryooley’waxaana deegaanka difaacyo kal hore ka sameysteen ciidamada Shisheeyaha Afrikaanta ah.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culus’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Dagaalka labaad waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee degmada Qoryooley’iyadoona dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bartamaha degmadaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii muddo uu socday ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen gacan ku heynta degmada’iyadoona maleeshiyaatka dowlada ay u carareen difaacayda Kufaarta AMISOM ee duleedka degmadaasi.
Maalintii shalay ayeey aheed markii weerar dhabba gal ah oo ka dhacay agagaarka deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose ciidamada Afrikaanta shisheeyaha ah looga gubay gaari Taw ah’waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kaga noqday tiro askar ah.
Calamada.com