Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Weerarkii Lagu Qaaday Hotel Saxafi Oo Soo Gabagaboobay iyo Xarakada Al-Shabaab Oo War Ka Soo Saartay.
  • Allposts
  • Warar

Weerarkii Lagu Qaaday Hotel Saxafi Oo Soo Gabagaboobay iyo Xarakada Al-Shabaab Oo War Ka Soo Saartay.

November 9, 2018

Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galabta weerar xoog ku gal ah ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah Hotel ay dagan yihiin madaxda iyo Saraakiisha DFS.

Weerarka ayaa ku bilowday camaliyaat Istish-haadi ah ka dibna waxaa xigay weerar toos ah oo ciidamada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka, waxaana in muddo ah uu dagaal xoogan ka socday gudaha Hotelka.

War rasmi ah oo ay ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 24 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS, islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Waxaa suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka sii bato, waxaana jira askar iyo saraakiil dhaawacyo ah oo xaaladooda laga deyrinayo.

Mid ka mid ah Camaliyaad Istish-haadiga ee lagu weeraray Hotelka ayaa ka dhacday Albaabka dambe, waxaana lala eegtay dad isku dayey in ay ka baxaan ilinka dambe ee Hotelka si ay uga bad-badaan xabadda kulul ee ka socotay gudaha Hotelka.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah agaasimihii Hotelka C/fataax Cabdi Rashiid, waxaana sidoo kale si halis ah ugu dhaawacmay agaasimihi hore ee wazaarada warfaafinta, Cabdi Risaaq Bahalawi iyo taliyaha Police-ka degmada Hodan.

Waxaa sidoo kale jira saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga iyo kuwa Police-ka oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka kuwaas oo weli aysan inoo suuragalin inaan helno magacyadooda oo dhameystiran.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sanadkii 2015-kii weerar Inqimaasi ah oo midkan la mid ah ku qaaday Hotelka Saxafi, iyagoona xilligaas ku dilay Abaanduulihii ciidanka DF, Cabdi Kariin Dhaga badan, Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka iyo milkiilihii Hotelkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Rashiid Ilqeyte.

Continue Reading

Previous: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Hoteel Saxafi.
Next: Dhageyso Aqoonyahan Si Cilmiyeysan Uga Hadlay Hadalkii Itoobiya Ee Ahaa Iney Saldhig Ka Sameysanayaan Badaha Soomaaliya.

Related Stories

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri

November 22, 2022
Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.