Weeraro Askar Lagu Dilay Oo Ka Kala Dhacay Bariire Iyo Jannaale.

Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose waxay weeraro culus oo isugu jira dagaal toos ah iyo mid qarax ah la beegsadeen maleeshiyaadka dowladda federaalka ee ku sugan degmada Jannaale iyo deegaanka Bariire oo ka wada tirsan Sh/hoose.

Weerarka hore oo ahaa qarax waxay guutooyinka qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howlgal wilaayadaas ku weerareen maleeshiyaad soomaali ah oo ku socdaalayay gudaha degmada Jannaale waxaana halkaas ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray maleeshiyaadka dowladda.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan waxa uu haleelay maleeshiyaadka dowladda xilli ay roondo ku jireen waxayna ilo muhiim ah xaqiijiyeen in maleeshiyaadka kooxda Farmaajo qaraxa looga dilay 2 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii roondada ku jiray.

Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka federaalka ay ka samaysteen deegaanka Bariire ee isla wilaayada Sh/hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid ay hoggaankiisu hayeen saraakiil ka tirsan ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka xukuumadda Riddada waxaana jira khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo dagaalkaasi lagu gaarsiiyay ciidamada federaalka inkastoo aan tiro koob rasmi ah la helin.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.