Weeraro Culus Oo Ka Kala Dhacay Saldhigyo Kuyaal Jubbooyinka Iyo Sh/hoose.

Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay weeraro kala duwan oo toos ah ku ekeeyeen saldhigyada iyo fariisimaha ciidamada dowladda ay ka samaysteen deegaanno ka tirsan wilaayaadka Jubbooyinka iyo Sh/hoose.

Weerarka hore oo mid culus waxay ciidamo ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ku mireen saldhig ciidan oo ciidanka dowladda federaalka ah ay ka samaysteen deegaanka Baarka ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo maleeshiyaadka kooxda Farmaajo kasoo gaaray dagaalkaas.

Weerarka kale waxay ciidamad shabaabul ku qaadeen fariisin ciidamada shisheeyaha ku daaban ay ka samaysteen deegaanka lafoole oo dhaca wadada wayn ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Sidoo kale waxay ciidamada xaq u dirirka ah weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidamada federaalka ay ka deganyihiin degmada Jannaale waxaana gudaha saldhiggaas ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Howlgalladan waxay qayb ka yihiin howlgallo lixaad leh oo saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu beegsaday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha kuwaas oo ka kala dhacay deegaamo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.