Ciidamada Mujaahidiintu waxey weeraro isugu jira dagaallo toos ah iyo qarax ka fuliyeen gooba kala duwan oo ka kala tirsan wilaayaatka Banaadir, Jubbooyinka iyo Baay iyo Bakool.
Weerarka hore oo qarax ah waxey ciidamada Mujaahidiintu la beegsadeen xarunta guul wadayaasha oo ku taala wadada warshadaha ee muqdisho waxeyna fariisin u tahay maleeshiyataka dowlada ridada federaalka.
Qaraxa waxa uu ka dhacay gudaha xerada waxa uuna sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay askarta ridada.
Dhanka Baay iyo Bakool waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen labo saldhig oo maleeshiyaatka murtadiinta amxaara kalkaalka ah ay ka sameysteen degmada Xudur.
Dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay labadaas saldhig waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in askarta Ridada khasaara baqti iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dhanka wilaayada Jubbooyinka askar ka tirsan ridada ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada Mujaahidiintu ay ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka ashahaado la dirirka Jubbo land ay ka sameysteen deegaanka Cabdalle biroole ee duleedka magaalada kismaayo.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey mudooyinkii dambe sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah kufaarta iyo murtadiinta.
Calamada.com