Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Weeraro Ka Kala Dhacay Degmooyinka Hodan Iyo Hilwaa.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Ka Kala Dhacay Degmooyinka Hodan Iyo Hilwaa.

calamada April 10, 2016 1 min read
127

muqdishoSaacadihii lasoo dhaafay waxaa weeraro loo adeegsaday bambaanada nooca gacanta laga tuura lagu weeraray isbaarooyin maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Bamka kowaad ayaa lagu dhuftay goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada oo ku taala qeybo ka mid ah xaafada Al-baraka ee degmada Hodan’iyadoona bamka bartamaha uu ka galay goob maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ku qayilayeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 5 ka tirsan maleeshiyaatka dowlada’iyadoona qaraxa kadib maleeeshiyaatka Garguurte ay fureen rasaas fara badan.

Weerarka labaad oo ah bam gacmeed ayaa sidoo kale lagu tuuray goob maleeshiyaatka Ridada ku qayilayeen oo ah isbaarada Biyo dega xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa’iyadoona la xaqiijiyay inuu jira khasaara nafeet oo maleeshiyaatka dowlada federaalka kasoo gaartay weerarkaasi.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa qaraxa kadib furay rasaas fara badan taasi oo sababtay dhaawaca saddex ruux oo shacab ah kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho.

Weeraradan Bambaana ayaa kusoo aadaya xilli uu sii kordhaya khasaaraha dowlada Federaalka kasoo gaartay qaraxii saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday maqaaxi ay ka cunteeyaan saraakiisha nabadsugida oo ku taala agagaarka xarunta Habar Khadiija ee degmada Shibis.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 03-07-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm Ee Andalus 03-07-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.