Weeraro Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus oo dagaal ah la beegsadeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka Gaala raaca Murtad Axmed Madoobe oo kasoo baxay deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka markii muddo kooban socday ayey maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah ciidamada Saliibiyiinta Kenya dib ugu laabteen saldhigii ay kaga sugnaayeen deegaanka Buulo gaduud,waxeyna maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe doonayeen iney dhibaateeyaan dadka shacabka ee ku dhaqan duleedka deegaankaasi.

Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe dhigteenka deegaanka Khaam-khaam ee duleedka Kismaayo,waxaa weerarkaasi si xun ugu dhaawacmay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Axmed Madoobe.

Calamada.com

Comments are closed.