Dagaalyahanno ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyo millatari oo kuyaal deegaamo dhaca gobollada Bakool iyo Jubbooyinka.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka maamulka Ridada ee la magac baxay Koonfur galbeed ay kaka sugnaayeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Ridada ayaa la wariyay in uu ka dhex qarxay gudaha saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Xudur, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare culus oo maleeshiyaadka murtadiinta soo gaaray.
Dhinaca kale wararka laga helaayo gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay saacadihii laoso dhaafay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka maamulka Ridada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose.
Ilo masuul ah ayaa xaqiijinaya in dagaalku ahaa mid culus oo si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta iyadoo ay dagaalladuna ka dhasheen khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.
Calamada.com