Weeraro Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kala Dhacay Jubbooyinka Iyo Sh/hoose.

Iska hor’imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka la magac baxay Jubbaland waxay ka dhaceen degmada Afmadow ee jubbooyinka ka dib markii ciidamada Mujaahidiintu ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigga ciidamada maamulka Axmed Madoobe ee degmadaas.

Dagaalka oo ahaa mid culus oo dhowr jiha ah waxay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka maamul goboleedka Jubbaland ay ka samaysteen degmada Afmadow waxaana halkaas ka dhacay dagaal in muddo ah socday oo u dhaxeeyay ciidamada xaq u dirirka ah iyo maleeshiyaadka Jubbaland.

Ilowareedyo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijiyeen in weerarka lagu jabiyay maleeshiyada maamulka isku magacaabay Jubbaland waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyaadka la weeraray.

Dhanka kale waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose weeraro toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda federaalka ah ay ka samaysteen buundada wayn ee degmada Jannaale iyo degmada Owdheegle.

Dagaallada oo ahaa kuwa laba geesood ah waxay ciidamada Mujaahidiintu kala duldhaceen saldhigyada maleeshiyaadka dowladda ee degmooyinkaas khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaana lasoo wariyay.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.