Wararka ka imaanaya degmada Baardheera ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay weerar ballaaran ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha degmadaasi.
Dagaalka oo bilaawday xalay saqdii dhexe ayaa soo gaaray saaka aroortii kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadii kala duwan’waxaana dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay gudaha iyo duleedka degmadaasi.
Dad ku sugan Baardhere ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe illaa saaka 5:00 aroornimo ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen’iyadoona si rasmi ah aan loo xaqiijin karin khasaaraha ka dashay dagaalkaasi.
Dhinaca kale sarkaal katirsan maamulka gobolka Gedo ugu magacaaban Xabashida Itoobiya ayaa isku day dil ka badbaaday kadib markii ciidanka Xarakada Al Shabaab ay gurigiisa ugu dhaceen.
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay in ciidamada mujaahidiinta ay weerareen guriga Max’med Xuseen Ganeey oo ku magacaaban Madaxa mashaariicda maamulka dowlada Ridada federaalka ee degmada Baardheere.