Weeraro Saf Ballaaran Ah Oo Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.

Weeraradan isugu jira dagaal iyo qarax waxey ka dhaceen degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose kuwaasi oo laga helayo faahfaahino dheeraad ah.

Weerarka Kowaad oo ahaa dagaal toos ah waxaa lagu qaaday saldhiga ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanka Golweyn oo ah deegaan hoostaga degmada Buulo mareer,deegaanka waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose si rasmi ahna looma xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha ciidamada shisheeye lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Weerarka Labaad oo loo adeegsaday Qarax waxaa lagu qaaday goob ay ku kulansanaayeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta goobtaasi oo ku taala degmada Qoryooley waxa uu qaraxan sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay Murtadiintii goobta ku sugneed.

Weerarka Saddex-aad oo ah dagaal toos ah waxaa markale lagu qaaday saldhiga ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee deegaanka Ambareeso ee gobalka Shabeelada hoose,iyadoona dagaalkan khasaara lagu gaarsiiyay askarta Shisheeyaha ee ku sugan deegaankaasi.

Calamada.com

Comments are closed.