Wilaayada Mudug Oo Gurmad Biyo Dhaamin Ah Usameysay Xoolaleyda Abaaruhu Saameeyeen Ee Bariga Xarardheere(Dhageyso).

Retro microphone on stageSheekh C/qaadir Abuu Cadnaan waaliga wilaayada islaamiga Mudug oo wareysi gaar ah siiyay idaacada islaamiga andalus ayuu ku faafaahiyay howllo gurmad biyo dhaamin ah oo wilaayada ay usameyneyso dadka muslimiinta ah ee abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo kunool bariga magalada Xarardheere.

Waaliga ayaa sheegay in qorshaha uu yahay guud ahaan inta wilaayada maamusho in gurmadka biyo dhaaminta ah la gaarsiiyo, balse hada uu gurmadka kasoconayo deeganada dhaca bariga Xarardheere iyo dhulka fog ee miyiga ah.

Sidoo kale deegaanada iyo degmooyinka wilaayada ayaa laga tukaday salaad roob doon ah oo alle lagu barayay si raxmadiisa uu u waraabiyo muslimiinta abaarahu saameeyeen.

“Sanadki nasoo dhaafay roobka kama da’in mudug baraakadihii biyaha laga cabi jirayna waxba ma galin abaartuna dadka wey saameysay” ayuu yiri Abuu Cadnaan waaliga wilaayada Mudug.

Ugu dambeyn dhamaan dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay allah u laabtaan dambi dhaafna weydiistaan si gargaarkiisa ay u helaan.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Mudug Sheq Cabdulqaadir Abuu Cadnaan.

Xigasho Radioandalus24.com

Comments are closed.