Xaalad Dagaal Oo Ka Taagan Magaalada Gaalkacyo.

gaalkacyo-55Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagantahay magaalada taasi uu dhaxeysa maamulada dowlada Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland iyo Galmudug.

Maleeshiyaat fara badan oo kala taabacsan labada maamul oo ku kala hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa soo buuxdhaafiyay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dadka shacabka ayaa bilaabay iney isaga barakacaan degmada Gaalkacyo maadaama ay suura gal tahay in magaalada uu ka qarxa dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaatka maamulada gaala raacyada ah ee Puntland iyo Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ka jirta magaalada Gaalkacyo ayaa muujineysa in gabi ahaan uu burburay hishiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen hogaamiyaasha labadaasi maamul.

Calamada.com

Comments are closed.