Xad Dil Ah Oo Ka Dhacay Fagaara Ku Yaala Gobalka Hiiraan.

Fagaara weyn oo ku yaala deegaanka Mukeyla ee WI Hiiraan waxaa Barqa nimadii maanta lagu fuliyay Xad ka mid ah Xuduuda Allaah, waxaana goobta fagaraaha soo xaadiray dadweyna fara badan.

Xadka ayaa lagu fuliyay nin kamid ah dadka Muslimiinta oo fal dil ah ka geystay deegaanka.

Ugu horeyntii waxaa goobta fagaaraha ka hadlay qaadiga Maxkamada Islaamiga deegaanka Mukeyla isagoona sharaxaad ka bixiyay dacwad maxkamada ay keensadeen qaar ka mid ah ehelada ninkii la dilay, kuwaas oo ka dacwoonayay gacan ku dhiiglaha.

Intaasi ka dib qaadiga ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada, isagoona raaciyay addillada sharciga ah ee loo cuskaday xukunka Maxkamada.

Maxkamada Wilaayaatka Islamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa marar kala duwan fuliyay Xuduuda Allaah, Taas oo horseeday Amni iyo kala dambayn ka hanaqaaday dhulka ballaaran ee lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Halkan Ka Dhageyso Xukunka Maxkamada WI Hiiraan.

Allaah ayaa Qur’aankiisa Kariimka ah ku sheegay in fulinta qisaasta ay nololi ku jirto Sida Ku Cad Aayada 179 Ee Suuratul Baqarah.

(ولكم في القصاص حياة يا أولي الألباب لعلكم تتقون)

Comments are closed.