Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo Jabuutiyaan ah labo kalane ay ku dhaawacmeen’iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qarax xoogan ay la beegsatay ciidamada dowlada Ridada Jabuuti ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Beledweyne’iyadoona Idaacadu intaasi raacisay in tiro askar Jabuutiyaan ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxaasi.
Qaraxa kadib waxaa gabi ahaan hakad galay shaqadii garoonka diyaaradaha Beledweyne’iyadoona ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka bandow kusoo rogeen xaafadaha dhanka Bari ee Beledweyne maadaama garoonka uu ku yaala bariga magaaladaasi.
Calamada.com