Xarakada Dhaalibaan Oo Ku Dhawaaqday Dowlad Cusub Oo Islaami Ah.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid afhayeenka imaarada islaamiga ah ee Afghanistaan ayaa shir jaraa’id oo uu galabta qabtay ku shaaciyay dowlad islaami ah oo lagaga dhawaaqay waddanka Afghnanistan ka dib 20 sanno oo waddanka uu ku jiray dagaal jihaad ah oo la isga dafcinayay shisheeyaha.

Liiska xukuumadda cusub ee Afghnaistan waxaa dhammaan loo magacaabay rag ka tirsan xarakada Daalibaan kuwaas oo 20-kii sanno ee lasoo dhaafay hor taagnaa shisheeyaha uu hormuudka u ahaa Maraykanka ee duullaanka kusoo qaaday waddanka Afghanistan.

Afhayeenka imaarada islaamiga ah waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka loo magacaabay Al-mulla Maxamed Xassan Akhanda, wasiir ku xigeenka koowaad waxaa isna loo magacaabay Al-mulla Baraadra Akhanda, ku xigeenka saddexaad ee ra’iisul wasaaraha xukuumadda islaamiga ah waxaa loo magacaabay Mowlawi Cabdisalaam Xanafi.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda islaamiga ee Afghanistaan waxaa loo magacaabay Al-mulla Maxamed Yacquub Mujaahid, wasaaradda arrimaha debadda waxaa iyana loo magacaabay Amiir Khaan Muttaqi waxaa sidoo kale la magacaabay wasiirro kale sida uu ka dhawaajiyay afhayeenka Imaarada islaamiga ah Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid.

Xubnahan loo magacaabay wasaaradaha xukuumadda islaamiga ah ee Afghanistan waa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo 20-kii sanno ee lasoo dhaafay soo hor taagnaa gumeystihii dalkaasi ku duulay waana shakhsiyaad caan ah oo si wayn looga yaqaan inta badan waddanka Afghanistaan waaxaana masuulyinta ka mid ah wiil uu dhalay aasaasihii Imaarada islaamiga ah Amiiru Mu’miniin Shiikh Mulla Cumar Mujaahid.

Xukuumadda cusub ee lagaga dhawaaqay dalka Afghanistan waxay timid ka dib kulamo iyo shirar is daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday dalka Afghanistaan waxayna ugu dambayntii imaaradu soo dhistay xukuumad islaami ah oo dalkaasi u jihayn doonto ku dhaqanka shareecada islaamka ka.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

1 Comment
  1. Cc says

    Asc dhamaan waan Idina salaamay waalaalaha,
    Intaas kadib,

Comments are closed.