Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu iclaamiyay istish-haadka Sheekh Max’med Maxamuud Cali oo Dulyadeyn ku magac dheeraa.
Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay bayaan ciwaankiisu ahaa “Taczi iyo tahniyad ku socota umadda Islaamka Istish-haadka Sheekh Max’med Maxamuud Cali Dulyadeynâ€.
Allaha ka aqbalee Sheekh Max’med Dulyadeyn ayaa ku dhashay magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato sanaddii 1966 kuna beegneed 1387 Hijriga.
Sheekha ayaa waxbarashadiisa kusoo qaatay wadanka Suudaan isagoo ka qalin jabiyay kuliyadda shareecada ee jaamacadda magaalada Al-khurduum.
Sagaashameeyadii ayuu sheikh Dulyadeyn ku biiray Jihaadka bariga Afrika gaar ahaan soomaaliya isagoo qeyb ka ahaa culimadi lagu furay mucaskarkii Kaambooni ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Xasan Turki allaha u naxariistee.
Duleydan ayaa ahaa caalim ay saaxada Jihaadka Soomaaliya iyo Kenya ka marqaati kacayso. Muddo 20sano ah wax ka badan ayuu noloshiisa ku qaatay u gargaaridda diinta islaamka isagoo marna ahaa daaci marna ahaa hoggaamiye Mujaahid ah oo kaalin weyn ka qaatay la dagaalanka ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo Kenya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Sheekh Max’med Dulyadeyn uu shahiiday 24,shacbaan 1437 Hijriya isagoo helay wuxuu uu wax kabadan 20 sanadood u dagaallamayay.
Waa dhuxul kufriga lagu shidiyo dhamac rasaaseede
Dhiigiisu waa nuur ifiyo dhool guyoo da,aye
Dhimashana muduu raadiyoo dheerar saday waaye
Dheeftiyo wuxuu doonayiyo haabay dhaxal kiiye
Dhabti inu u liibaanay baan dhaar kumarayaaye
Dhaaxuu baqoolaha umaray dhinici jiif diiday
Dhaaxuu dharaar iyo hamayn dhiiri galinaayey
Dhaaxuu dhufays kawgu dhacay ay dhisteen gaalo
Dhaaxuu dharbaa xeeyeyoo dhamacda leef siiyey
Dhaaxuu dhunkaashaw qasiyo dhiidhitii gaalka
Dhaaxuu dhanayan abid kafilan dhabi kaleefsiiey
Dhaaxuu dhambaalada u diray dhalin jihaadaysa
Dhaaxuu inaan dheeliniyo diiday dhalan teedka
Dhulka uu maraa laga yaqaan dheeftu leeyahaye
Rabiyow janada dhabu gali waw dhib toodeene
Wax dhan buu ka saahiday aduunoo oo ka saabiraye
Wax dhan buu socdaal iyo dagaal sabarku dhuub naaye
Wax dhan buu kufriga saail kaa surayey baynaade
Wax dhan buu salibiga casharo siiyey oo baraye
Wax dhan buu saraakiil sariyo saancad gawracaye
Wax dhan buu sawaaxili madaw saaray shilal kiiye
Wax dhan buu sunaha koru dhigoo sibay bidcadiiye
Saahid iyo inuu abid ahaa saabir gaal diida
Siduu rabay mar kuu helay ayey wada siyaaxeene
Suuradaha quraan kuu ahaa saahid xaafidaye
Sunihii rasuul kuu ahaa kaan saluugayne
Sugnaan maayo aadmigu oo geeri buu sugiyi
Salawaatullaahi nabi moxamed baa subax ay aaseene
Sad wayn buuse helay ruux jihaad hoy ku saabiraye
Inshallaahu saasaan u fili saahid kaa tagaye
Sikastana u aargoynti waa dayn kor kiin surane
Silic waa u dhiman gaal madaw saancad tuuge
Murtad badana seef baa dul taal saaran madixiise
Saxariirna naartaa u cuni kaan ka soo noqone
Dulyadayna salafkii ku biir saabirka ahaaye
Sidaasayna kala yiin kufriyo sooci tawxiide
Safkii nabiga rabiyow kayeel saabirka caraabay