Xasan Cumar Oo Lagu Dilay Degmada Howlwadaag.

Rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxay ku dileen xubin katirsan Ergadii soo xushey baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Ninka Howlgalkan qorsheysan lagu dilay ayaa lagu magacaabaa Xasan Cumar Mayow, wuxuuna kamid ahaa eragadii xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee uu hogaamiyo Murtad Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxa uu dilkan sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Odey kamid ah kuwa soo xulay baarlamaanka maamulka Jubbaland lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho.

Comments are closed.