Xildhibaan Cabdi Qaadir Bootaan Oo Dhaawac U Geeriyooday.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha isbitaal ku yaala magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya ku Quurbaxay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka gaala raaaca Puntland.

Xildhibaankan ku dhintay magaalada Nairobi ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Faarax Bootaan kaasi oo ku dhaawacmay qarax Toban maalmood ka hor lagula beegsaday dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Bootaan oo dhaawiciisa wax looga qabanwaayay gudaha dalka Soomaaliya ayaa loola cararay magaalada Nayroobi oo ugu dambeyntii uu ku geeriyooday.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Bootaan ayaa sheegtay in howlgalkaas uu qeyb ka ahaa weerarada qorsheysan ee lagu ugaarsanayo madaxda maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland.

Calamada.com

Comments are closed.