Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Oo Dhintay.

Xildhibaanada-Baarlamaanka-1132x670Mid ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka dowlada Ridada federaalka ayaa goordhaw ku quurbaxay gudaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ku dhintay gudaha magaalada ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Xasan Geedi kaasi oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay lamana xaqiijin nooca uu ahaa xanuunka uu la jiifay kaasi oo ugu dambeyntii sababay inuu u dhinta.

Xildhibaankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee halaagsamay tan iyo markii hogaanka dowlada federaalka uu la wareegay Muxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaankan ku dhintay magaalada Muqdisho ayaa mudadii uu xanuunsanaay wax daryeel ah ka helin gudoonka sare ee baarlamaanka iyo guud ahaan xubnaha dowlada Ridada federaalka sida warbaahinta qaar ay u xaqiijiyeen eheladiisa.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.