Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa xaqiijinaya in habeenkii xalay isku day dil uu ka badbaaday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlada Ridada federaalka.
Xildhibaankan waxa uu guri uu ka daganyahay degmada Luuq ee gobalka Gedo lagu weeraray dhowr bam gacmeed’iyadoona qorshaha weerarka uu ahaa in la khaarijiyo xildhibaankaasi.
Shaacir Muxamed Xasan waa xildhibaanka Murtadka ah ee xalay ka badbaaday isku day-ga dilka ah’iyadoona warar hoose ay sheegayaan in xubna isaga hooyga kula sugnaay oo ay ka mid yihiin ilaaladiisa gaarka ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada federaalka ayaa la kulma weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta’iyadoona dhow xildhibaan lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.
Calamada.com