Waxaa goordhaw gudaha degmada Xamarweyne lagu weeraray gaari uu la socday xildhibaan ka tirsan dowlada Ridada federaalka’iyadoona weerarka xildhibaanka uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Ceelgaabta Xamarweyne.
Rag hubeysan ayaa la xaqiijiyay in xildhibaanka ay weerareen isagoo la socday gaari nooca raaxada ah’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarka lagu qaaday xildhibaanka.
Xildhibaanka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Muxamed Cali Diheeya kaasi oo la xaqiijiyay inuu dhaawac culus uu soo gaaray xildhibaanka’waxaana sidoo kale weerarka lagu dilay saddex ruux oo kala ahaa darawalkii Xildhibaanka iyo labo askari oo ilaalo u aheed.
Weerarka xildhibaanka ayaa kusoo aadayaa xilli saddexdii maalin ee u dambeeysay gudaha magaalada Muqdisho si xiriir ah loogu dilay 6 sarkaal oo ka wada tirsanaay nabadsugida dowlada Ridada Federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.
Alle subxaana wataacaa wuxuu kitaabkiisa
sharafta bdn ku leeyahay ” ladirira hogaanka kufriga
waxaa xaqiiiq ah in eey reebtoomaan”
waan bogaadineynaa howlgalada muqdisho
Nimikaan qaaimiaantaa ee murtadiintaa meeshaan ku aragtaaan dileynaa